XOG: Shariif Xasan oo ka wel welsan Qorshe Mukhtaar Roobow loogu diyaarinayo Musharax madaxweyne K/Galbeed

0
158

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in xildhibaanada koonfur  galbeed soomaaliya oo 3 sano jirsadey  ay markii ugu horeysey maqleen war ka soo fujiyey neef weyn,kaas oo ahaa in sheekh mukhtaar Roobow cali uu musharax madaxweyne koonfur galbeed yahay.

Mid kamid ah xildhibaanada koonfur galbeed oo lahadley qaar kamidah warbaahinta ayaa sheegey in diyaar uyihiin in sanadkaan in ay ka turjumaan rabitaan ka shacabka koonfur galbeed kuwaas oo aad udaneynaya in mar qura maqlaan in sheekh mukhtaar madaxweynaha koonur galbeed noqodo.

 

“Waxaa nahay 97 xildhibaan, waxaana isku dhaarsaney in sanadkaan in aan isbedel kusameyno hogaanka  koonfur galbeed oo kufashilmey masuuliyadii loo igmadey “ ayuu yiri xildhibaankan oo diidey in magaciisa loo adeegsado saxaafada.

 

Dhanka kale xildhibaanka ayaa laweydiiyey sababta ay ugufarxeen musharxnimada sheekha, ayaa waxaa uu ka jawaabey in koonfur galbeed baahida ugu weyn ay qabto ay tahay Nabadgeliyo iyo amaan arintaasna qofka xaqiijinkara keliya yahay sheekh mukhtaar sidaa daraadeedna shuruud la’aan ay dooran doonaan ayagoo udaneynaya shacabkooda.

Ugu danbeyntii xildhibaanka ayaa ku tilmaamey musharxnimada sheekh roobow in ay tahay rajada koonfur galbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here