SIR LA HELAY:- Kaalintee ayuu Xildhibaan/Ganacsade Siciid Nuur Giriish ku lahaa xil ka qaadistii Wasiirka Awqaafta?

0
140

Xil ka qaadistii degdega ahayd ee shalay 9-ka July 2018 lagu sameeyay wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya oo muddo ka yar 50 maalmood xilka hayey ayaa la yaab ku noqotay inta badan dadka Soomaaliyeed, isagoo noqday wasiirka ugu mudadda yaraa ee soo mara xukuumadihii dalka.

Xasan Macalin Xuseen ayaa dhexda u galay loolan ka dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo ganacsade xildhibaan ah oo heysta leynka Xajka ee xujeyda Soomaalida loogu qaado sanad kasta mowsimka xajka, waxayna arrintan ka dambeysay markii madaxda dowladda Somalia ay qorshe u dejiyeen in Duulimaadka Xajka uu noqdo mid aan u xirneyn shaqsi iyo shirkad gaara.

 

Qorshahan ayaa ku wajahan in Ganacsadaha caanka ah, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Siciid Nuur Giriish oo leh shirkadda Jubba Airways gacantiisa laga bixiyo leynka xajka ee uu mudadda dheer heystay, iyadoo sanado badan ay cabasho ka jirtay adeeg xumo iyo qiime sare oo xujeyda Soomaalida heysatay.

 

Kadib markii aakhirkii Bishii May xilka loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xasan Macalin Xuseen oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in loo faray inuu ku socdo qorshaha dowladda ee ah in Shan shirkadood ay ka qeyb qaataan duulimaadka Xajka ee sanadkan, loona gooyey qiime dhan $3300.

 

 

 

Xogta ayaa sheegeysa in Wasiirka markii uu dhowaan Cumreysi u tegay Sacuudiga ay la wareegeen maamulka shirkadda Jubba ayna ka dhaadhiciyeen inuu dhinacooda la safto iyagoo u sameeyay balanqaadyo, taasoo keentay inuu wasiirku xil ka qaadis ku sameeyo wakiilkii qaabilsanaa arrimaha xajka ee wasaaradda, isla markaana ay isku dhacaan maaxdii kale ee wasaaradda.

 

Wasiir Xasan Macalin Xuseen ayaa la sheegay inuu heshiis hoose la galay Ganacsade Siciid Nuur Giriish, isagoo iska dhega tiray qorshihii madaxda dowladda, taasoo keentay inay isku dhacaan wasiirka iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna arrintii kusoo dhammaatay xil ka qaadis lama filaan ah oo degdeg ahayd.

 

Madaxda dowladda Somalia ayaa u arka Xildhibaan Saciiid Nuur Giriish mid ka mida tujaar xarbiga Soomaalida oo ay qasab tahay in laga fara maroojiyo adeegga xajka ee uu mudadda dheer iska heystay, isagoo heshiisyo aan xalaal ahayn kula jira amiiro sacuudigaan ah iyo wasiir kasta oo soo mara wasaaradda Awqaafta & Arrimaha diinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here