XOG: Shaqsi uu wato G/Golaha Shacabka JF oo loo wado in loo magacaabo degmada Boondheere

0
96

Waxaa socda qorshe Guddomiyeyaal cusub loogu magacaabayo degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana qorshahaasi si wadajir ah u wada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa socda qorshe si tartiib tartiib ah loogu bedelayo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo seefta ugu horeysay ku bilaabatay Guddoomiyihii degmada Hodan Mr Cantoobo.

Sida aan xognay ku helnay,waxaana hadda la doonayaa in xilka laga qaado Guddoomiyaha Boondheere Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana loo wadaa in xilkaasi loo magacaabo Wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeedo Beesha Abgaal/Waceysle.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa gadaal ka riixaya qorsahaha Guddoomiye cusub loogu magacaabayo degmada Boondheere,wuxuuna wataa Wiil Dhalinyaro ah oo uu Abti yahay,kaasi oo hadda ka shaqeeya mid ka mid ah Hay’adaha Maxaliga ah.

Cumar C/risaaq Xuseen,oo ah Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa inuu galgalaan xooggan ku leeyahay Siyaasadda Gobolka,islamarkaana uu Wakiil uga yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre lagalana tashto isbedelada maamul ee la sameynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here