Dowlada Somalia oo la Ogaaday inay Dayacday Amaanka Muqdisho

0
103

Marka la eego hanaanka suggida ammaanka Magaalada Muqdisho ee xilligaan waxaa ka muuqata dayacaad badan oo masuuliyadeeda leedahay dowladda Federalka Somaliya, maadaama Shabaab Magaalada ay ka gaysanayaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo joogto noqday.

Magaalada gudaheeda waxaa ku sugan ciidamo badan oo Boolis, Nabad Suggid iyo Militari isugu jira, haddana waxaa shaqeynaya oo kaliya ciidan Boolis ah oo u badan Odayaal, kuwaasi oo xittaa ay ku adag tahay qaadista qoriga Ak-47.

 

Meelaha qaar ee Magaalada gudaheeda, gaar ahaan xayndaabyada Madaxtooyadda ciidanka ku sugan, waxa ay ku jiraan difaacyo adag oo qaab furun dagaal oo kale ah, tani waxa ay muujinaysa in dowladda difaac adag uga jirto Madaxtooyadda Somaliya, iyadoo Magaalada dhan gacanta ku wada haysa.

 

Inta badan Isgoysyada Magaalada Muqdisho ma joogaan ciidan ka tirsan dowladda oo ammmaanka ka shaqeynaya, tani waxa ay tilmaameysaa sida dowladda ay u dayacday ammaanka Magaalada, maadaama dharaar cad lagu dhex arkay Magaalada gudaheeda ciidan Shabaab oo gaadiid isaga dhex wata Gobolka Banaadir.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa kordhay dilalka qorsheysan iyo falalka kale ee amnidarada oo Shabaab ay gaysanayaan, iyadoo xalay ugu dambeysay goob dad shacab ah ay ku qaxweynayeen qarax baabuur lagu dhuftay.

 

Wasaaradda amniga Somaliya ayaa sida cad waxa ay ku fashilan tahay suggida ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo hanaanka suggida amniga ay ka muuqato fashil badan, maadaama Saraakiil badan oo kuligood doonaya inay wada taliyaan magaalada ay wada joogaan.

 

Marxaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Muqdisho ayaa ah inay naftooda si shaqsiyan ah u ilaalsadaan, kana fogaadaan goobaha dadka badan isugu imaanayaan, maadaama aysan jirin dowlad qaadeysa masuuliyadda ammaanka dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here