XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)

0
305

Warar hoose oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu doonayo inuu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa shaqsiyaad u dhow waxay sheegeen inay socoto qaban qaabada Munaasabad uu ku shaacinayo inuu yahay Musharax Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Magaalada Baydhab ee xarunta Gobolka Baay,waxaa si aad ah looga dareemayaa ololaha doorashada Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliyeed iyadoo siyaasiyiinta hamiga uga jira ay wadaan dhaq dhaqaaq iyo abaabul ku aadan sidii ay isku soo bandhigi lahaayeen.

Shaqsiyaad u dhow Sheekha ayaa inoo sheegay inuu heysto taageero ku filan oo dhinacyo kala duwan kaga imaaneysa wuxuuna rajo fiican ka qabaa inuu ka adkaado Shariif Xasan oo markale u sharaxan xilkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya inkastoo aanan wali la xaqiijin in Dowlada Soomaaliya ay taageero xoog leh siineyso Mukhtaar Roobow, sidoo kale dalalka ka mid ah Khaliijka ayaa la tuhunsan inay dhaqaalaha ka saacidi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here