XOG: Shabaab oo Qaraxyada iyo Dilalka Muqdisho ku hela Lacago Malaayiin Dollar ah

0
224

Warar hoose oo qaar ka mid ah Ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho ay usoo gudbiyeen Xoghoose.com ayaa sheegaya in Al shabaab ay sii laba jibaareen lacagaha ay ka qaadaan Ganacsatada Muqdisho ka dib markii ay bateen Weerarada Dilalka iyo Qaraxyada ay geysanayaan.

Mid ka mida Ganacsatada oo diiday Magaciisa inaan u adeegsano Warbaahinta ayaa inoo sheegay in Al shabaab ay Malaayiin Dollar ka qaataan Ganacsatada ku nool Muqdisho iyagoo ugu hanjaba inay qarxinayaan ama ay dilayaan wuxuuna sheegay in isaga ay soo waceen isla markaana ay ku qasbeen inuu bixiyo lacag gaareysa Toban kun oo Dollar wuxuuna sheegay inuu diiday.

Maalmo ka dib waxaa lasoo hordhigay Gaari loo sheegay inuu qarax ka buuxo haduu diido inuu lacagta lagu amray bixiyo waxaa loogu hanjabay in la qarxin xaruntiisa ganacsi.

Intaas ka dib Ganacsadaha wuxuu sheegay inuu dhiibay lacagtii lagu amray inuu bixiyo.

Al Shabaab oo si caadiyan ah loo ogyahay inay lacago kala duwan ka qaadaan ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho iyo Shirkadaha ganacsi ee waaweyn, ayaa hada sii kordhiyay lacaga baada ay qaadan jireen.

Ganacsato kale oo ku nool Muqdisho ayey sidaan oo kale Al Shabaab ugu amreen inay bixiyaan lacagtaan baada ah, ganacsatadan markii hore ma aysan bixin jirin lacagta oo goobahooda ganacsiga ayaa ahaa kuwa yar yar.

Al Shabaab ayaa bil kasta lacago fara badan ka hela ganacsatada ku nool Magaalada Muqdisho oo ay ugu hanjabaan dil ama inay bixiyaan lacagta Shabaab ay ka doonayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here