Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo kasoo Horjeestay xilka qaadista Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arimaha Dibada

0
105

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xil ka qaadis lagu sameeyay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cali.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee dowladda oo ku taariikheysnaa 5-tii bishan oo loo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

 

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Xoghayaha Joogtada uu markii hore ku yimid magacaabis Ra’iisul Wasaare, isla markaana wixii tallaabo ka qaadis ay ku ansaxmeyso habkii markii hore lagu magacaabay, haddii aysan jirin sababo kale oo uu xilka ku waayi karo.

 

Guddiga ayaa ka dalbaday Wasiirka Arrimaha Dibadda in Xoghayaha Joogtada Cali Maxamed Cali dib loogu celiyo shaqadiisa.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya 26-kii bishii hore ayaa waxaa xilka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda loogu magacaabay Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, iyadoo Xoghayihii xilkaas hayay Cali Maxamed Cali loo magacaabay La Taliyaha Wasiirka, taasoo ka dhalatay muran keentay inuu u dacwoodo Xoghayihii xilka laga qaaday Guddiga shaqaalaha Rayidka.

 

Tallaabooyinka xil ka qaadista iyo shaqo joojinta ay Wasiirada ku sameeyaan Xoghayayaasha Joogtada iyo Agaasimayaasha Guud ayaa ka dhashay dood iyo murano sharciyeed, inkastoo aakhirka dambe ay dhaqan gasho wareegtada Wasiirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here