ONLF oo War Ka Soo Saartay Isbedelka Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
160

Laba Maalmood oo rabshado ay ka dhacayeen magaalooyinka ugu waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud,iyada oo Madaxweyne Cusub la Magacaabay.

Guddiga fulinta ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay waxa ay Madaxweyne u Magacaabeen Axmed Cabdi Maxamed,waxaana isbedelka laga filan karo iyo rajada Shacabka ka hadlay Ururka ONLF.

 

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.

 

Isaga oo Warbaahinta la hadlayey Madaxweynaha Cusub ayuu sheegay in isbedel weyn uu la imaan doono,isla markaana uu ku Shaqeyn doono aragtida Shacabka Soomaalida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here