Sidee loo maraa xariga masuul Dowladeed marka lagu eedeeyo musuq maasuq ? (WARBIXIN)

0
66

Faragelinta dowladaha Reer Galbeed ee Qaaradda Africa ayaa la sheegaa inay saameyn weyn ku reebeen dalalka Africa, taasi oo keentay in la baaro Hanaanka Musuq maasuq loo sameeyo, kaasi oo cadow ku ah horumarinta bulshada.

Dowladdo badan oo Africa ka dhismay kadib xorriyaddii ay qaateen, qaarkood ayaa ka guuleystay inay ka badbaadaan musuq maasuq, halka kuwo kalana ay wali dareemayaan raadadkii uu ku reebay.

 

Xubnaha ilaa iyo hadda loo xiray la dagaalanka musuq maasuqa dowladda Soomaaliya ay waddo ayaa ka shaqeynayay, wasaaradda Gargaarka, Arrimaha dibadda, Maxkamadda gobolka Banaadir iyo saldhiga degmada Warta Nabadda.

 

Afartii bishan August, Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa tagay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyaga oo watay Warqad maxkamadeed, Waxay doonayeen inay xiraan Mukhtaar Mahad Daa’uud wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo eedeymo musuq maasuq loo heysto.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka hadashay eedeynta ayaa beenisay in wasaaradda ku kacday falkaasi, ayna yihiin kuwo Xaqiiqda ka fog.

 

Sheekh Abuukar Cali Maqaney, oo muddo ku shaqeynayay Sharciga Maxkamadaha, haddana ka mid ah guddiga cadaaladda Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlaya hanaanka loo maro xeritaanka masuul xil haya marka musuq maasuq lagu eedeeyo.

 

“Wallaahi abristiisa waxaa loo soo qabanayaa, waa in Maxkamad warqad laga soo goosto, hada u maleyn maayo in la magacaabay guddigii oo Baarlamaanka la mariyay, Xeer ilaaliya ayaa iska leh oo uu soo eedeeyo, kadibna Maxkamada ay ka timaado warqad, laakiin si toos ah in ciidan loogu diro masuul waa qalad, amarkaasi keliya garsoorka ayaa bixin kara”. Ayuu yiri Sheekh Abuukar.

 

Heerka Musuq ee dalka ka jira ayaa sameeyay horumarka iyo awooda Hay’addaha dowladda, waxaa sidoo kale uu gaaray xitaa qoysaska Soomaalida.

 

Prof. Saadaq Maxamed Axmed Eenow, oo ka faalooda arrimaha Geeska Africa, aadna ula socdo Siyaasadda dalka ayaa sheegay in qof haya xil umadeed, ay haboon tahay in lagula xisaabtamo masuuliyadda saaran, wuxuuna sheegay in musuq maasuqa xitaa uu ku jiro haddii qofka uu si daacad ah u gudan waayo xilliyadda shaqada laga doonayo.

 

Hanaanka dowliga ayaa la aamisan yahay in Soomaaliya uu ka saameeyay musuq maasuqa, waxaana jiro qaabab looga gudbi karo, sida uu sharaxayo Prof. Saadaq Eenow.

 

“System-ka hal dhinac aanan wax laga bedelin, hal fursad buu leeyahay, waana dadka la doortay iyo damiirkooda, laakiin nin walba oo yimaada hadii uu daneysto wax hormar ah la sameyn maayo, waxaa kaloo muhiim ah in Soomaalida ay isku calool fiyoowaato, qof walba canuga uu dhalo waxa uu jecel yahay inay ku noolaadaan nolol sare”. Ayuu yiri Prof. Saadaq Eenow.

 

Hanaanka shaqaaleysiinta shaqaalaha ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka jiraan musuq maasuqa dalka.

 

Kiisaska la dagaalanka musuq maasuqa ma waxay kaliya saameyn doonaan Xafiiska, ka baxsan Madaxtooyadda, Guddoonka baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

Prof. Saadaq Eenow ayaa aamisan in doorashada uu ka bilowdo musuq maasuqa, Warbixinta Xigta ayaan ku eegi doonaa, Sidda doorashada looga ilaalin karo musuq maasuq iyo awooda dowladda u leedahay inay maamul goboleedkada kula xisaabtanto Musuq maasuqa ay galaan.

 

DHAGEYSO MAQALKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here