UPDATE: Diyaarad Siday Cabdi Maxamuud Cumar Oo Ka Degtay Adis Ababa

0
173

Diyaarad ayaa waxay ka qaaday Magaalada Jig jiga Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,oo shalay is casilay.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa waxay kaxeysteen Cabdi Cumar waxaana warar is khilaafsan laga helayaa qaabka loo waday Madaxweynihii Hore.

Ilo Wareed ay Heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in kahor inta aan la kaxeyn Cabdi Maxamuud Cumar uu la kulmay Sargaalka Ciidanka Liyuu Boolis Hogaamiya General C/raxmaan Laba Go’ le uuna war geliyey inuu ku qanacsan yahay in Adis ababa la geeyo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu Amray in Adis Ababa loo soo kaxeeyo Cabdi Cumar Galabta ayaana diyaarad ay ka dejisay Caasimada Itoobiya.

Lama sheegi karo sida Dawlada Dhexe Itoobiya ay ka yeeli doonto Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here