Ururka Shabaab oo Xabsiga dhigay Afar Haween ah oo diiday inay Caruurtooda siiyaan

0
117

Ururka Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo sida la sheegay diiday in caruurtooda ay Al Shabaab ku wareejiyaan, Shabaab ayaa horey dadka degaanka uga dalbaday inay caruurtooday ay keenaan si dagaalada ay uga qeyb qaataan.

Haweenkan ayaa waxaa la sheegay in caruurtooda ay si dhuumaaleysi ah ku saareen gaadiid oo ay u direen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

 

Qof ku sugan degmada Xarar-dheere ayaa waxa uu sheegay in haweenkan laga soo xiray tuulada Caliyaale oo u dhaw degmada Xarar-dheere, islamarkaana hada ay ku jiraan gacanta xabsi ay maamulaan Shabaab.

 

Odayaasha degaanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo daayaan hooyooyinkan ay xireen Al Shabaab, kuwaasi oo lagu heysto inay caruurtooda u diidaan dagaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay cadaadis ku hayeen dadka degan degmada Xarar-dheere iyo degaanada u dhaw, halkaasi oo bil kahor ay ku dagaalameen Shabab iyo dadka degaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here