War Cusub Oo Laga Helay Qaabkii Loo Kaxeeyey Cabdi Cumar Kaasi Oo La Jir Dilay

0
268

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka Loo Kaxeeyey Galabta Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,iyadoo la sheegay in la jir dilay.

Suldaan Cabdullaahi Suldaan Bashiir oo ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka oo Jooga Magaalada Jig jiga ayaa waxa uu Caawa VOA SOMALI usheegay in Ka hor inta Ciidanka Federaalka Kaxeynin Cabdi Cumar Si xun loo jir dilay sida uu suldaanka warka u dhigay.

Warar la helay ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay Diyaarad Qumaatiga ukaca ay ugu kaxeysteen Cabdi Cumar Magaalada Adis ababa Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Guuleed Cali Faahim Duqii Hore Ee Magaalada Jig jiga ayaa isna waxa uu caawa sheegay inay been abuur tahay Jir dilka la sheegay in loo geystay Madaxweynihii Is casilay Cabdi Maxamuud Cumar.

FAAH FAAHINO DIB KALA SOCDA INSHA ALLAAH

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here