Xil. Axmed Fiqi Oo Dawlada Ku Canaantay Go’aankii Sacuudiga Ku Taageertay

0
181

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Go’aanka deg dega ah ay qaadatay Dawlada Soomaaliya Xiisada Udhaxeysa Canada iyo Sacuudiga.

Mudane Axmed Fiqi ayaa si maldahan u karbaashay sida indho la’aanta ah ee Dawlada ula safatay Sacuudiga iyadoo xitaa ay Dalka taageerada u muujisey iyaduba khaladaad gasho.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa ayuu Xildhibaankani katirsan Golaha Shacabka ayuu ku karbaashay Dawlada Go’aankii ay qaadatay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AXMED FIQI

“Allow laba is-haysa noo sahal, aan wax ka niraahnee, midka xunna aan la safanee!! Waa xaalka madaxda Soomaaliya iyo mawaaqifta ay ku magac-dilaan Soomaaliya. Haddii dawladeenu ay faragalin u taqaan codsi ilaalinta xuquuqda insaanka, Madaafiicda Yemen lagu garaacayo maxey u taqaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here