XOG: Qatar oo Dowlada Farmaajo u Balanqaaday inay Tirtireyso Mucaaradka kasoo horjeeda

0
238

Warar hoose oo Madaxtooyada Soomaaliya ay ka heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Dowlada Qatar ay balanqaaday inay sii laba jibaareyso Dhaqaalaha ay ku taageereyso dowlada Soomaaliya si looga guuleysto mucaaradka.

Dowlada Qatar ayaa amaantay dadaalada ay wado Dowlada Soomaaliya iyo hormarka dalka ka socda, iyadoo taas bedelkeed ku abaal marineysa Lacago aad u badan iyo Mashaariic hormarineed si ay ugu jabiso Imaaraadka.

Dagaal xoogan ayaa ka dhaxeeya Dowlada Qatar iyo Xulufada Imaaraadka, Soomaaliyana waxay uga mid tahay dalalka ay kusoo bandhigaan awoodooda siyaasadeed, iyagoo kala jiitay Madaxda dowlada iyo Mucaaradka.

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo Qatar ay ku balanqaaday Dhaqaalaha waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowlada, oo iyaguna soo dhaweeyay Balanqaadkan, sidoo kalena Qatar kaga mahad celiyay Mashaariicda ay ka wado Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here