Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo u digay Dowladda

0
184

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda fedraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay maamulka Puntland inuu galayo doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo cid kasta ay kaga digayaan inay faraha la soo galaan doorashada Madaxweyne-nimo oo dhawaan ka dhaceysa degaanada Puntland.

“Dowladda Federaalka, Puntaland doorasho ayay galeysaa, waa arrin iyada gaar u ah, waa arrin taabaneysa masiirkooda, rabitaankooda iyo mustaqbalkooda, waxaan dowladda iyo cid kasta oo kaleba ka codsaneynaa ugana digeynaa, in aysan arrintan faraha la soo gelin.” Ayuu yiri Wasiir hore, Juxa.

Hadalkan ayaa wxuuu ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Garowe, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan hogganka Puntland.

Degaanada Puntland ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa u diyaar garowga doorashada Puntland oo dhawaan dhaceysa, waxaana u tartamaya musharaxiin badan oo ay ku jiraan masuuliyiin horey u soo qabtay xilal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here