Wax ka baro iskoorada Champions League heerkiisa Guruubyada la dhigay

0
110

UEFA Champions League 2018/19 heerkiisa Guruubyada ayaa la cayaaray Talaado iyo Arbaco waxaana kasoo baxeen iskooro dheeraad ah oo wax ka badaleen rikooradii horey heerkan looga dhigay.

Haddaba waa arin xiiso leh in markii 26-aad la cayaarayo koobka horyaalada Yurub heerkiisa Guruubyada weliba xili cayaareedkan xili hore ayaa iskooro lasoo kordhiyay.

Lionel Messi ayaa noqday cayaaryahanka goolasha ugu badan Champion-ka heerkiisa Guruubyada dhaliyo kadib markii uu sedexley PSV ka dhaliyay wuxuuna haatan leeyahay 63-gool asigoo Cristiano Ronaldo sedex gool ka sare maray.

Fadlan hoos kaga bogo UEFA Champions League heerkiisa Guruubyada iskoorada cayaartooyda ay ka dhigeen ayadoo ay jiraan iskooro labadii maalmood ugu dambeesay soo kordheen iyo kuwo mudo dheer jiraan waqti ahaan:

Cayaartooyda Ugu Safashada Badan Heerka Guruubyada:

90 Iker Casillas (Real Madrid, Porto)
80 Xavi Hernández (Barcelona)
79 Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid, Juventus)

Cayaartooyda Ugu Goolasha Badan Heerka Guruubyada:

63 Lionel Messi
60 Cristiano Ronaldo
40 Karim Benzema

Cayaaryahanka Hal Kulan Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Heerka Guruubyada:

Luiz Adriano (BATE Borisov 0-7 Shakhtar, 21/10/14)

Cayaaryahanka Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Hal Xili Cayaareed Heerka Guruubyada:

11 Cristiano Ronaldo (Real Madrid, 2015/16)

Goolka Ugu Dhaqsiyaha Badan Cayaaryahanka Dhaliyay Heerka Guruubyada:

10.96 ilbiriqsi Jonas (Valencia 3-1 Leverkusen, 01/11/11)

Cayaaryahanka Goolka Ugu Dhaqsiyaha Badan Ee Kama Ah (Own Goal) Iska Dhaliyay:

2:09 Iñigo Martínez (Manchester United 1-0 Real Sociedad, 23/10/13)

Hat Trick Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Cayaaryahanka Dhaliyay Heerka Guruubyada:

8 daqiiqo Bafétimbi Gomis (Dinamo Zagreb 1-7 Lyon, 07/12/11)

Cayaaryahanka Ugu Dhalinta Yaraa Ee Heerka Guruubyada Kasoo Muuqdo:

16 sano 87 maalmood Celestine Babayaro (Steaua Bucureşti 1-1 Anderlecht, 23/11/94)

Cayaaryahanka Ugu Dhalinta Yar Ee Heerka Guruubyada Gool Dhaliyo:

17 sano 195 maalmoodPeter Ofori-Quaye (Rosenborg 5-1 Olympiacos, 01/10/97)

Cayaaryahanka Ugu Da’ada Weyn Ee Heerka Guruubyada Kasoo Muuqdo:

43 sano 253 maalmoodMarco Ballotta (Real Madrid 3-1 Lazio, 11/12/07)

Cayaaryahanka Ugu Da’da Weynaa Ee Heerka Guruubyada Gool Ka Dhaliyo:

38 sano 59 maalmoodFrancesco Totti (CSKA Moskva 1-1 Roma, 25/11/14)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here