Barcelona oo durba bartilmaameed ka dhiganeysa beddelka Pique

0
66

Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Light kaas oo ay u arkaan beddelka Gerard Pique.

Agaasimaha farsamada ee Barca ayaa muddo dheer maanka ku haya difaacan, waxaana dhowr jeer uu u safray magaalada Amsterdam si uu usoo daawado.

Blaugrana ayaa u baahan daafac dhexe kaasoo dhinaca midigta xigta ka ciyaara, maadaama xiddigaha kala ah Thomas Vermaelen, Clement Lenglet iyo Samuel Umtiti ay dhammaantood isticmaalaan lugta bidix.

Sidaas darteed, saxiix cusub oo shaqadaas loo wakiisho ayaa ay Barca dooneysaa, waxaana tartan geli doona booska uu keliga ku yahay Pique.

De Ligth ayaa Ajax kula jira hadda qandaraas. waxaana macquul ah in xagaaga dambe ay labada kooxood is dhaafsadaan lacag iyo xiddiggan.

Sidoo kale baahida Barca ku riixeyso 19-jirka reer Netherlands ayaa ah in Vermaelen qanadaraaskiisa uu dhammaan doono bisha June ee dhammaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here