Diyaarad Ka Timid Baydhabo Oo Dhaawacyo Galabta Keentay Muqdisho & Dad Ilmeenaya…

0
120

Dhaawacyo Wax looga Qaban waayey Cusbitaalada Magaalada Baydhabo ayaa waxa Galabta Diyaarad ay keentay Caasimada Dalka Ee Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ayaana Ambalaasyo kaga qaadeen Dhaawacyada oo ahaa kuwo Xaaladooda Cusleyd ayaana la geeyey Xarumo Caafimaad.

Dadkaan ayaa waxay ku waxyeeloobeen Qaraxyadii Ismiidaaminta shalay ka dhaceen baydhabo,islamarkaana hadda lagu dabiibayo Cusbitaalada Qaar Muqdisho.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay deeq dawo ah geysay Baydhabo si loogula Tacaala kuwa dhibaatada Qaraxyadaas kasoo gaartay.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen ayaa Saaka gaaray Baydhabo ayna Muqdisho usoo qaadeen,hadii Xamar wax looga qaban waayana dhaawacyadaas ay Dibada Dawlada u qaadi doonaan.

Wasiirka waxa uu sheegay inay soo dhaweenayaan dadka doonaya inay Caawimaad ufidiyaan Dadkii Qaraxyadaasi waxyeelada kasoo gaartay Ee Baydhabo iyo Xamar ku kala suagn dhaawacyadoodana kala duwan yihiin.

Waxaa la arkayey Ehelada dadka dhaawacyada la keenay Muqdisho oo qaarkood ilmeenaya kana xumaa Waxyeelada Dadkooda Soo Gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here