Qaraxii 14-ka Oktoobar ee Muqdisho: Kaalintee ayuu ka galay Weerarradii Argagixiso ee Dunida? (Akhriso)

0
177

Taariikhda weerarrada argagixiso ee ugu waaweynaa uguna dhimashada badnaa Dunida waxaa markii ugu horeysay kaalimaha hore kasoo galay Qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.

Weerarkii Muqdisho ee 14-ka Oktoobar 2017 waxaa ku dhinteen 656, sida ay caddeysay Guddiga Gurrmadka Qaran oo warbixintooodii ugu danbeysay ku shaaciyey tiradan, waxayna taas macnaheedu yahay in Qaraxiii Soobe uu kaalinta labaad ka galay liiskaasi madow, iyadoo kaliya uu ka horeeyo weerarradii 11-ka September ee lagu qaaday dalka Mareykanka.

Hoos ka Akhriso liiska weerarradii Argagixiso ee ugu waaweynaa dunida iyo kaalinta uu ka galay Qaraxii Muqdisho

Kaalinta Dadka ku dhintay Magaca weerarka Goobta uu ka dhacay Taariikhda
1 2,996 Weerarradii September 11 New York City Arlington County, Virginia Stonycreek Township near Shanksville, Pennsylvania 2001, Sep 11
2 656 Qarixii lagu hoobtay ee Muqdisho Mogadishu, Somalia 2017
3 449 Weerarro ka dhacay Ciraaq May 2013 Dalka Iraq 2013
4 422 Dabkii Shineemada Rex Abadan, Iran 1978
5 400 Xasuuuqii Trujillo Trujillo, Valle del Cauca 1990
6 389 Weerarradii hareeyay Ciraaq July 2013 Dalka Iraq 2013
7 385 Dadkii lagu Afduubay Iskuulka Beslan Beslan, Russia 2004
8 341 Qaraxyadii Xaafadda Karraada ee 2016 Baghdad, Iraq 2016
9 336+ Weerarkii 2014 ee Gamboru Gamboru & Ngala in Borno State, Nigeria 2014
10 329 Bamkii lagu qarxiyay Diyaaradii Air India Flight 182 Hawada dalka Ireland Atlantic 1985
11 307 Qaraxyadii 1983 ee Beirut Beirut, Lebanon 1983
12 293 Daarihii Ruushka ee la qarxiyay Moscow, Volgodonsk, 1999
13 270 Qarxintii diyaaradii Pan Am Flight 103 Hawada Lockerbie, Scotland 1988

Waxaa xusid mudan in Qarixii Muqdisho ee 14-ka Oktoobar 2017 ee galay kaalinta 2-aad ee weerarradii argagixiso ee dunida oo dhan aysan weli sheegan kooxda ka danbeysay ee Alshabaab.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here