Shariif Xasan & C/weli Gaas Oo Taleefoonka Kuwada Hadlay+Arin Murugo Leh Oo Laga Hadlay

0
205

Hogaamiyaha Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka gudoomay Dhambaal uu usoo diray Dhigiisa Maamulka Puntland C/weli Cali Gaas.

Waxa uu ahaa Dhambaalka Tacsi ku aadan Dadkii ku le’day Qaraxyadii Sabtidii Ka dhacay Magaaladaasi Ee Ururka Al Shabaab ka dambeeyeen.

C/weli Gaas ayaa sheegay inay la xanuunsanayaan Dhibta gaartay Bulshada K/Galbeed islamarkaana kuwa Dhaawaca ah urajeeyey Bogsiinyo deg deg ah inay helaan.

Muddo Saacad ku dhaw ayey wada hadlayeen Labada Madaxweyne islamarkaana ay isku baraarujiyeen ad adeeg loo muujiyo jilibka in loo dhigto Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa dhawaan ka carooday Hadalkii gefka ahaa uu Gaas ku sameeyey Dadka K/Galbeed Kasoo jeedo Ee Puntland ku dhaqan ku sameeyey balse markii dambe looga garaabay.

Qaraxyadii Shalay Galab ka dhacay Baydhabo waxaa ku le’day Shacab aan waxba galabsan taas oo dhaawacyada qaar Xaaladooda Caafimaad la sheegay in Dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here