UPDATE DHAGEYSO; Madaxweyne Farmaajo & Wixii Uu Usheegay Reer Marko Cadeey

0
126

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta safar aan hore loo sii ogaan ku tegay Magaalada Marka Cadeey Ee Caasimada Gobolka Shabellaha Hoose.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inay diyaarad uga baxeen Muqdisho oo ay Marka ku gaareen si diiran ayaana loo soo dhaweeyey.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Cadeey Xasan Cumar Macalin Oo Wareysi gaar ah siiyey Warqaad waxa uu sheegay inay Shacabka caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa la hadlay Shacabka Magaalada islamarkaana u sheegay in ay Dawlada taageeraan si buu yiri looga hortego Amni daro.

Xasan Cumar ayaa inoo sheegay in Kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayo Bulshada Reer Marka Madaxweyne Farmaajo ayna tahay mid lagu xoojinayo sidii loo taageeri lahaa Dawladnimada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA GAARKA AH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here