Isbedelka cusub ee Itoobiya: R/wasaare Abiye oo Magacaabaya Gole Wasiiro Raga & Haweenka siman yihiin

0
162

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa shaaciyay qaar ka mid ah magacyada Golahiisa wasiirrada cusub.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa wasiirrada oo kala bar noqonaya Haween,waxaana ka soo muuqanaya 10 Haween ah,maaddaama Golaha Wasiirrada ay ka koobanyihiin 20 xubnood.

Waxyaabaha Dadka Reer Itoobiya sida gaarka ah isha ugu hayaan waxaa ka mid ah in Wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabayo Gabar markii ugu horreysay Taariikhda Dalka Itoobiya.

Muferiat Kamil,ayaa loo magacaabay Wasiirka Nabadda,waxaa hoostagaya dhowr xafiis oo uu ka mid yahay sirdoonka, amaanka qaranka iyo kuwo kale,waxaa ay hadda tahay Afhayeenka Baarlamaanka Aqalka hoose ee Itoobiya inkasta oo ay iska casishay isla maanta,Workneh Gebeyehu,ayaa sii ahaanaya wasiirka arrimaha dibadda,halka Axmed Shidde oo Soomaali ah loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, halkaas oo uu wasiiru dowle ka ahaa inta uusan noqon wasiirka Warfaafinta.

Mr Abiye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u shaaciyo magacyada golaha Wasiirrada cusub.

Mr Abiye ayaa la magaacabay Bishii April ee sanadkan,waana markii 2aad oo uu soo magacaabo Gole wasiirro oo cusub iyada oo uu muddadaas bilaha ah isbeddel badan oo gudaha iyo dibadda ah ka sameeyay  Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here