DHAGEYSO: General Indho Qarshe Oo Ka Hadlay Gaadiid Ay Lahaayeen Al Shabaab Oo Ay Bur buriyeen

0
127

Howlgal gaar ah oo Ciidamada Meliteriga Soomaaliya ka sameeyeen deegaano katirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa la sheegay in lagu qabtay Gaadiid Nuuca Biyaha Ah oo Ay Lahaayeen Al Shabaab.

Ciidamada Xoogga Ayaa bur buriyey Dhowr doonyood oo Biyaha iskaga gudbi jireen Webiga Xarakada Al Shabaab taas oo tiradooda aan lasoo bandhigin.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa saxaafada usheegay inay bur buriyeen dhowr doonyo ah oo Al Shabaab isticmaalayeen.

Waxa uu xusay inay mar kasta heegan ciidanka Xoogga uyihiin sidii dhabarka uga jebin lahaayeen Shabaabka uu ku sheegay Cadowga Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu General Indho Qarshe sheegay inaysan Labada Shabelle ku koobnaan doonin Howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ayna ku baahi doonaan Deegaano kale oo Gobollada Dalka ah.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here