DHAGEYSO: Guul Laga Gaaray Dhibaato Weyn Oo Ka Jirtay Caasimada Maamulka Puntland Ee Garowe

0
111

Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa kordhiyey Howlgalka Amniga lagu xaqiijinayo taas oo ka dhalatay Amni daro baahsan oo laga cabanayey.

Xarumaha Saldhigyada Magaaladaas waxaa aad ugu badnaa Ashtakada laga keenay Burcad Tooreeyo wata oo dadka dhac ugeysanayey.

Sii hayaha Xilka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal General Muxuyadiin Axmed Muuse oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay inay ku guuleysteen Nabad gelyada inay xaqiijiyaan.

General Muxuyadiin waxa uu hoosta ka xariiqay inay ku dedaaleen sidii dadka Shacabka ah loo bad baadin lahaa Alaabtooda oo qowleysatada looga dhicin lahaa.

Xaafadaha Garowe ayaa waxa ku badnaa Dhaca Mobilada iyo Lacagaha jeebka ku jira oo Dhalinyaro Tooreeyo sita ka qaadaneyeen balse howlgalada siday ubilowdeen waa ay joogsadeen Burcadii wax dhici jirtay.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here