Ra’iisal wasaare Kheyre oo Shaqadii ka joojiyey Wasiir ku xigeen ka tirsan Xukuumadiisa (Akhri Sababta?)

0
154

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia.

Sababta Shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa lagu sheegay ka dib soo jeedin ka timid xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir si loogu sameeyo baaritaano la xiriira eedeymo loo jeediyey.

Ilo-wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir online u sheegay in sababta shaqo joojinta Wasiir ku xigeenka ay tahay inuu ku lug yeeshay shabakad ku howlaneyd dhaqida dollar la been abuuray.

Hay’adda NISA ayaa dhowaan shaacisay iney garoonka Aadan cadde ku qabteen shabakad ku howlaneyd dhaqida dollar been abuur ah, iyagoo xusay inuu howlahooda u fududeynayay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo aysan magaciisa sheegin, hase ahaatee waxaa hadda soo shaac baxay in xildhibaankaas uu ahaa wasiirka shaqada laga joojiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here