Dekada Muqdisho Oo Lagu Qabtay Kartoomo Qamri Halis Badan oo Loo Waday…

0
152

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa waxay gacan ku dhigeen Kunteenar Khamri waday kaas oo kusoo xirtay Dekada Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Saraakiisha Waaxda Caafimaadka Dawlada Hoose Ee Xamar ayaa waxa ay sheegeen inaysan ogolaan doonin waxyaabaha maanka dooriya ee ganacsi ahaanta loo keenayo Dalka.

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Dhinaca Arimaha Bulshada Basma Caamir ayaa sheegtay inay Ciidamada Booliska Shaqo Wanaagsan ay qabteen lana gubay oo la bur buriyey dhalooyinkii Khamriga ahaa.

Basma waxay sheegtay in 900 Kartoon ka badan oo Khamri ka buuxay ay gacanta ku dhigeen oo la doonayo in Magaalada Xamar lagu dhex iibiyo,balse lama sheegin ganacsatada keensaday iyo halka laga keenay intuba.

Dhinaca kale Boorsooyin lagu dhex qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lasoo sheegayaa in lagu qabtay Khamri lasoo dhex geliyey Boorsooyin oo Diyaarad lala soo raacay.

Warar hoose oo Warqaad heshay waxay sheegayaan in Ciidamada Amniga gacanta ku hayaan Shakhsiyaad Khamrigaasi iska lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here