DHAGEYSO: Gudoomiye Daba geed Oo Canaan Kulul Ka Hor Jeediyey Xubno Cadaan Ah

0
101

Kulan ka dhacay Magalaada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa looga hadlay Sida looga hortegi lahaa fatahaad uu geysto Mar kale Webiga Shabelle.

Waxa Kulanka ku sugnaa Xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobeey iyo Maamulka Gobolka Hiirana islamarkaana looga arinsanayey wada shaqeynta sida loo xoojin lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed) ayaa ku Canaantay Madaxda QM inaysan ka horteg sameyn balse markii ay wax dhacaan Musiibada ay soo gurmadaan.

Waxa uu ka codsaday in ay xiraan goobaha uu ka jilicsan yahay Webiga Shabelle la albaabo,islamarkaana Loo tabaabusheysto sidii loo hirgelin lahaa diyaar garowga fatahaad mar kale dhacda.

Sanadkaan bishii 5-aad ayaa waxa fatahaad uu webiga Shabelle ka geystay Qeybo badan oo katirsan Gobolka Hiiraan deegaanadiisa oo Caasimada B/weyne ku jirtay Dad badana ay Saameyn ku yeelatay waloow markii dambe Xaaladu ay caadi kusoo noqotay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here