Habeenkii Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Hoyday Marka & Arin Dhacday Oo Ugandha Ka Hadashay

0
170

Dawlada Ugandha ayaa Arbacadii Shalay waxay war kasoo saartay Iskahorimaad ka dhacay Koonfurta Soomaaliya in weerar Shabaab soo qaadeen Askar ku waayeen.

Labo ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMSIOM ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro kalena oo la cayimina waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal ka dhacay Magaalada Marka.

Iska Horimaadka waxa uu dhacay Talaadadii 15 Bisha sida uu xaqiijiyey Afhayeen uhadlay Ciidamada Meliteriga Ugandha.

Sargaalka ka hadlay waxaa lagu magacaabaa Korneel Deo Akiiki,waa kuxigeenka Afhayeenka Meliteriga Ugandha waxa uu sheegay in weerar ay Ururka Al Shabaab soo qaadeen la iska difaacay Xilli Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu Marka kusugnaa Gobolka Sh/Hoose.

“Ma Xaqiijin karo Ciidankeena Arbushaadaas waxyeelada Badan inay ku gaartay,balse Magaaladaan oo ah mid istaraatiiji ah,labo Askari ayaan ku weynay,tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen,ayuu yiri Akiiki.

Al Shabaab Ayaa Subaxnimadii Talaadada waxay ku faaneen inay dileen Dagaalkii Marka ka dhacay 15 Askari oo Ugaandhees ah balse Dawlada Dalkaas waa ay beenisey.

Waxaa Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here