Socdaalka Abshir Bukhaari Ku Gaaray Maanta Gaalkacyo Oo Shaki Badan Abuuray [SAWIRRO]

0
249

Senetor Abshir Maxamed Bukhaari oo ah Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa maanta xubno uu hogaaminayey ay gaareen Magaalada Gaalkacyo.

Abshir Bukhaari waxaa si diiran Loogu soo dhaweeyey Magaaladaasi,iyadoo Madaxweyne Xaaf oo tuute ku labisan uu soo dhaweeyey.

Shaki badan ayuu Abuuray Socdaalkani,taas oo calaamad su’aal Dawlada Dhexe ay gelisey maadaama Xaaf aysan isku mabda’ ahaeyn Dawlada Federaalka.

C/qeyb diid iyo Saraakiil kale ayaa ka dhex muuqday Sawirro laga soo qaaday Socdaalkii Abshir Maxamed Bukhaari Wafdiga uu hogaaminayey ee Maanta ku gaareen Magaalada Gaalkacyo.

Warar ayaa sheegaya in Senetarada kasoo jeeda Galmudug inay Gaalkacyo utegeen inay Utageen sidii isku soo dhaweyn lahaayeen Madaxda Galmudug iyo Dawlada Dhexe.

Madaxweyne Xaaf iyo Senetor Abshir Bukhaari oo labaduba hadlay waxay sheegeen inay muhiim tahay ka shaqeynta sidii Galmudug hore loo sii wadi lahaa oo dib udhac looga ilaalin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here