Duqeyn dad Shacab ah lagu laayey oo ka dhacday Duleedka Kismaayo

0
126

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaanka Buula Xaajo oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Diyaaradaha ayaa dhawr gantaal la helay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo uu ka daarnaa Dab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkaasi.

Waxaa la sheegay in duqeyntan ay ku geeriyoodeen Saddex wiil oo dhalinyaro ah, halka mid kale oo ku dhaawacmay duqeyntan dhaawiciisa gaari Dameer loogu qaaday magaalada Kismaayo.

Goobta ay diyaaradahan duqeynta la heleen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn xubno ka tirsan Al Shabaab, keliya dad shacab ah lagu waxyeeleeyay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan diyaaradaha duqeymaha geysanaya, waxayna dowladda dhexe ugu baaqeen inay wax ka bedesho qorshahan.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda duqeyntan, balse maalmihii la soo dhaafay diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan gobolada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here