Raqda wariye Jamal Khashoggi oo laga raadinayo Keyn ku taal duleedka Magaalada Istanbul

0
203

Booliska dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baadigoobayaan raqda wariye Jamal Khashoggi keyn ku taal duleedka magaalada Istanbul kadib xog ay ka heleen shakhsiyaad magcohooda qariyay.

Wariye Jamal Khashoggi ayay booliska tuhunsan yihiin in lahu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul horraantii bishan xilli uu halkaasi u doontay waraaqo la xiriira arrimo guur.

Booliska Turkiga oo sidoo kale baaris ku sameeyay gudaha qunsuliyadda ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo la xiriira in gudaha qunsuliyadda dad lagu dhex dilay islamarkaana la isku dayay in la tir-tiro raadadkaasi.

Waxa ay intaasi ku dareen in ay hayaan cadeymo ah in wariye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda.

Jamaal Khashoggi ayaa qunsuliyadda u tegey si u buuxiyo warqado u ku guursan lahaa gacalisadiisa ,Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga, waxaana uu ahaa wariye dhaleeceeya siyaasadda dhaxalsugaha da`da yar ee boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salamaan.

Gabadhaas oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan in ay gudaha u gasho, sida uu nidaamku yahayna, Khashoggi waxaa uu iska reebay oo uu saaxiibadii uga tagay telefoonkiisa gacanta, isagoona ku wargeliyay in ay boolisku ku wargeliso haduu uu soo noqon waayo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga ee Sabah, ayaa sheegay in ay aqoonsadeen koox sirdoon ah oo ka kooban 15 qof oo qayb ka ahaa in la waayo weriye Jamal Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here