DHAGEYSO: Mareykanka Oo Istaraatiijiyad Cusub U Degay Duqeymaha Ay La Eegtaan Al Shabaab

0
125

Howlgalka Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya ayaa sii laba jibaarmaya taas oo sanadkaan keliya ay fuliyeen 27 Weerar oo qaarkood Saraakiil iyo Dagaalyahano katirsan Al Shabaab lagu dilay.

Kulan ka dhacay Dhawaan Magaalada Muqdisho ay Dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka kusii xoojinayeen iskaashigooda ayaa waxa lagu soo bandhigay Dhowr qidad oo Shabaab lagu ciribtiri karo.

Cabdi Siciid Maxamed Cali oo ah Sargaal Lataliye ka ah Laamaha Amniga Qaranka ayaa ka sheegay shirkaas inay keliya awood meliteri Shabaabka looga adkaan karin,hayeeshee dhinac kasta oo laga beegsado ay ku jabi karaan.

Andre Lesage oo ah Hogaamiyaha Urur La Dagaalama Argagaxisa Shirkaasna lagu Casuumay waxa uu sheegay in Cadow ay yihiin Al Shabaab dadka iyo Dalkana dhibaato ku haya sida uu warka udhigay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kol hore waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Drone-ka iyo Ciidamadiisa Kumaandooska ay weeraro Qorsheyn ka fulin karaan Gudaha Soomaaliya si ay Al Shabaab u cirib tiraan.

Britanny Brown waxay ka mid tahay Hay’ada Xasarada Adduunka Ee International Crisiss Group waxay sheegtay inay faa’iido dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed ay kaga raadsanayaan Mareykanka Duulaanka Soomaaliya Ciidankooda ku joogaan kulana Dagaalamayaan Al Shabaab.

Inta badan Al Shabaab Saraakiishooda iyo Dagaalyahanadooda waxaa gantaalo lala eegtay ay ku waayeen oo mareykanku sheegtay,Axmed Cabdi Godane oo 2014 la dilay iyo 2008 oo isna la dilay Aadan Xaashi Ceyroow waxa ay aheyd mid Shabaab Hogaamiyeyaal saameyn ku dhex lahaa ku waayeen Duqeymihii mareykanka ka dambeeyeen.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN CODEYSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here