XOG: Dagaalkii Kheyre & Thaabit oo sii socda (Farmaajo oo lagu Gacan seyray Qorshe uu watay)

0
177

Warar hoose oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Thaabit Cabdi Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir u bandhigay inuu wada shaqeyn wanaagsan la yeesho si la mida Ololihii Doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Labada Masuul oo kulankooda la qorsheynayay inuu waqti hore dhaco ayaa waxaa baajiyay safarkii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku aaday magaalada Marka balse kulankooda oo waxyaabo badan ay kaga hadleen ayaa ku qabsoomay Madaxtooyada Soomaaliya.

Thaabit oo safaro kala duwan kusoo bixiyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa kulamo guulo kusoo dhamaaday la yeeshay jaaliyadaha Soomaalida oo u muujiyay inay taageero weyn la garab istraagi doonaan Doorashada soo socota.

Sarkaal u dhow Thaabit ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu markale thaabit Cabdi u bandhigay Xilala dhowr ah balse Thaabit ayaa markale ku gacan seyray isagoo sheegay inta uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda yahay Xasan Cali Kheyre inuusan xil qabaneyn maadaama Xilalka uu farmaajo u bandhigay ay intooda badan hoostagayaan Kheyre.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya inuu xulufo la noqdo Thaabit, taasoo cabsi galisay Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa markale kalsooni ka muujinaya inuu garab istaagi doono Fahad Xaaji Yaasiin oo saameyn weyn kulahaa Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Dalka ka dhacay, maadaama uu Talooyin badan ku leeyahay Maamulka Villa Soomaaliya, iyadoo hadana loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here