Dowladda oo lagu eedeeyay in ay hub iyo Ciidan geysay Baydhabo

0
104

Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed iyo ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii lasoo dhaafay Ciidan iyo hub ay geysay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay diyaarad siday Ciidan in ay gaartay Magaalada Baydhabo,islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Todobaadkii hore.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in Golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda laga hadal haayay in dowladda Soomaaliya ay waddo Wasiir ka mid ah Wasiirada dowladda ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana ay shalay Baydhabo ay geysay Ciidan iyo Gaadiidka aysan xabado karin.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka hor inta uusan daqiiqo ka hor Muqdisho ka duulin C/casiis Lafta Gareen oo ah Wasiirka Tamarta oo la filayo inuu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here