Fooshii Aamusnaanta Sacuudiga oo dhashay Su’aal la’yaab leh …!!! (Wax walba oo ku saabsan dilka wariye Jamal (A to Z)

0
167

Saacado yaro ka dib markii dowladda Boqortooyada Sacuudiga ay sheegtay in wariye Jamaal Khashuqji oo ku geeriyooday gacan ka hadal dhexmaray isaga iyo howlwadeenada Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istambul , ayaa xukuumadda Ankara waxa ay sheegtay in ay siiw adeyso baaritaanka kiiskaan

Maxaa dhacay waabarigii 2 October ….?

Abaaro 2:30 habeenimo ayaa diyaarad gaar ah oo ay leedahay shirkadda duulimaadka Sky Primeayaa soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee AtaTurki ee ku yaala Magaalada Istambul waxaana saarnaa sagaal qof oo sacuudiyaan ah

Diyaaraddan ayaa waxaa lagu soo kireeyay magaca Kornel ka tirsan Waaxda Sirdoonka Sacuudiga ee la’yiraahdo Maahir C/casiis Mudrib oo horay uga mid ahaa shaqaalaha safaaradda Sacuudiga ee Magaalada London

Ninkaan ayaa la’rumeysan yahay in uu yahay isku dubba ridaha qorshaha dilka Wariye Jamaal Khashuqji , waxa uun aad ugu dhowyahay Boqor Maxamed Bin Salman oo uu ku wehliyay dhowr safar oo Boqorka Maxamed uu ku tagay Yurub iyo Mareykanka

Kooxdan Sagaalka Qof ka kooban ee ka dagay Garoonak AtaTurki waxaa ku biiray koox lix ruux ka kooban oo iyana dalka Sacuudiga uga soo safray duulimaad ganacsi oo ka dagay Turkiga waxaana ka mid ahaa :

Mashcal Sacad Al-Bustan oo ah sarkaal are oo ka tirsan Ciidamada Cirka Sacuudiga

Salaax Maxamed Dubeyqi oo ah Takhtar kuna takhasusay Cilmiga caafimaadka ee la xiriira Baarista Geerida iyo sharciyada la’xiriira fal dambiyeedyada ay ka dhashaan Dhimashada horayna ula soo shaqeeyay laamaha ammaanka dalka Sacuudiga

Maxamed Sacad Zahrani oo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Maxamed Bin Salman

Waliid C/laahi Shahri oo isna ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Cirka Sacuudiga iyo
Tha’ir Galib oo isna ka mid ah Howl-wadeenada Boqor mxamed Bin Salman

Kooxdaan ka kooban saraakisha amniga sacuudiga ayaa dagay Hotelaada kala ah Movenpick iyo Wyndham oo aad ugu dhow Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istambul , kooxdan ayaa hotelka loo carbuunay afar maal mood ka hor inta aysan ka dagin Istambul

Kornel Mudrib oo la tuhunsan yahay in uu lahaa Caqliga isuku soo dubba ridday dilkan Wariye Jamal ayaa xiriir taleefoon la’sameeyay madaxda Sare ee qoyska Boqortooyada Sacuudiga , baaritaanada waxa ay xaqiijiyiin in 19 jeer uu wacay madaxda Sacuudiga , afar ka mid ah Wicitaanadaasi waxa ay ahaayeen Xoghayaha Boqorka Sacuudiga .

Maxaa xigay 11:00 Barqanimmo …?

Toddobo saacadood ka dib Wafdigii Sacuudiga ee Tagay Istambul waxa ay gudaha u galeen Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istambul , isla waqtigaasi Mid ka mid ah shaqaalaha Qunsuliyadda ayaa talefoon kula xiriiray Jamal Khashuqji oo la’dili doono waxa uuna u sheegay in Waraaqihii uu uga baahnaa Qunsuliyadda ay diyaar yihiin sidaasi daraadeedna looga baahan yahay in uu yimaado Xafiiska Qunsulak 01:00pm “Duhurnimo “ oo Gow’ah

Laba iyo tobankii Duhurnimo iyo Soddon daqiiqo (12:30 pm) oo ah waqti qado oo dhammaan shaqaalaha Qunsuliyadda saacad nasasho ah leh ayaa markii ay qadada ka soo laabteen waxaa lagu war galiyay in ay fasax yihiin oo uu jiro shir Duplumaasiyadeed oo gaar ah kaa oo ka dhaca uu ka dhacayo Qunsuliyadda

Daqiiqadihii dhimashada 01:14 Daqiiqo ….

Waxaa soo galay dhismaha Qunsuliyadda Wariye Jamaal Khashuqji oo doonaya in uu qaato Waraaqaha loo ballamiyay toos ayuu u abaaray xafiiska Qunsulka oo la yiraahdo

Maxamed Ibrahim Cuteybi , laba daqiiqo oo kaliya markii uu fadhiyay waxaa u soo galay koox rag ah oo durba ku bilaabay af lagaado iyo garaac halkaas oo ay cirbad kula dureen
Qunsulka ayaa qeyliyay kuna yiri bannaanka waxa aad doontaan ku sameeya ee iiga baxa xafiiska …!! Mid ka mid ah ragga soo weeraray Jamal ayaa ugu jawaabay “Haddii aad dooneeyso in adiga oo nool aad ku laabato Sacuudiga aamus….!!!”

Ilbiriqsiyadaasi ayaa codkii ugu dambeeyay la’ga maqlay Khaashuqji sidaasi ayuuna 7 daqiiqo ka dib markii uu galay dhismaha Qunsuliyadda uu ku naf baxay ..!! waqtigana waxa uu ku aadanaa 01:22 daqiiqo , intaasi ka dib waxaa loo qaaday qol ku dhagan xafiiska Qunsulka , halkaa oo Dubeyqi uga howlgalay meydka Jamaal

Waxa uu ka dalbaday Saxiibadii in ay Music ku dul dhageystaan meydka Jamal Khashuqji oo uu jar jarid kula dhaqaaqay , dubeyqi waxa ay ku qaadatay 15 daqiiqo in uu jar jaro Meydka Jamal Khashuqji .

Abaaro labadii duhurnimo 02:00pm…Maxaa xigay …?
Halkan waxaa bilowday in Meydka Wariye Jamal lagas aaro Qunsuliyadda waana halka ay ku jirto hal xiraaha ugu adage e sheekada dilka Khashuqji….

Abaaro 3ddexdii Galabnimo ….!!!

Waxaa soo dhammaaday qorshaha dilka Wariye Jamal Khashuqji , kooxda loo xilsaarayna waxa ay billaabeen in ay baabi’iyaan dhammaan wax walba oo keeni kara in la’garto dilka wariyaha

Dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga waxaa ka baxay 16 Gawaari kolonya ah oo jahooyin kala duwan oo magaalada ah u dhaqaaqay

Qaar ka mid ah gawaaridaasi waxa ay u jeheysteen dhismaha Guriga Qunsulka oo ku yaala meel 300M u jirat Qunsuliyadda , halka laba ka mid ah gawaaridaasina laga waayay Kamerooyinka wax kormeera

Maxaa soo kordhay 5:00Pm Galabnimo …?
Garoonka Caalamiga ah ee AtaTurki waxaa ka soo dagay diyaarad gaar ah oo la’aaminsan yahay in ay u diyaar garowday daad gureynta kooxda Ammaanka ah ee qorshaha dilka wariye Jamal fulisay

Maxaa xigay 5:40pm….?

Diyaaraddii koowaad ayaa ka duushay Garoonka AtaTurki oo u jiheysatay Magaalada Dubai ee dalka Immaaraatka Carabta , ku dhowaad 6:00 maqribnimo ayaa khadiija Jankiz oo u doonaneed Jamal ayaa Booliska Turkiga ku war galisay in la’la yahay Khashuqji …?

Xubno ka tirsan Sirdoonka turkiga ayaa u deg degay Garoonka diyaaradaha AtaTurki , halkaas oo ay ugu tageen diyaarad gaar ah oo laga leeyahay Sacuudiga taa oo duulimaad isu diyaarineeysay , laakin ciidamada ammaanka waxba waa ay ka waayeen sidaasi ayayna ugu duushay Magaalada Qaahira ka hor inta aysan laba diyaaradood oo kale aysan caga dhigan Garoonka Magaalada Riyad ee Sacuudiga .

Abaaro 10:00Pm (Fiidnimo ) …

Laba ka mid ah gawaarida qafilnaa ayaa dib ugu soo laabtay dhismaha Qunsuliyadda kuwaa oo ka soo muuqday Kamirooyinka wax kormeera, kuwaa oo la’aaminsan yahay in ay fogeynayeen meydka wariye jamal Khashuqji ,waxaana la’aaminsan yahay in ku qariyeen Keymaha Balgrad ,Mandiqadda la’yiraahdo Bandek oo ka wada tirsan Istambul aadkana ugu dhow Badda Mar-Mara

Fooshii aamusnaanta Sacuudiga ee qaadatay in kabadan 18 maalmood waxa ay dhashay ,jamal Khashuqji waxa uu ku geeriyooday feer dhex maray isaga iyo xubno ku sugnaa Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istambuul …

Hayeeshee ..weydiinta ugu adage e Sacuudiga uu wajahayo ayaa ah …aaway Meydkii JamalKhashuqji ….!!!

Su’aalaha ku horgudban Qoyska haya talada Sacuudiga waxaa ka mid ah :

Haddii feer uu ku dhintay Sacuudiga muxuu ula aamusnaa in ka abdan 18 Maalmood …?

Aaway Meydka Jamal…?

Adiga maxay kula tahay arrintaan in ay ku dambeyn karto …?

XIGASHO : Aljazeera

W/T: Aweys Hassan Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here