Mustafa Almadani: Ninkii Sirdoonka Sacuudiga u ekeysiiyey Jamal Kashoqgi oo muuqaal laga helay (DAAWO)

0
192

Saxaafadda ayaa baahisay muuqaalka nin ka mid ahaa kooxda Sacuudiga ee shirqoolka dilka ah ku fulisay saxafiga Jamal Kashoqgi oo loo ekeysiiyay saxafiga la dilay oo ka baxaya dhinaca dambe ee Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul isagoo xiram dharkii saxafiga.

Ninkan oo lagu magacaabo Mustafa Al-madani ayaa loogu talogalay inuu iska dhigo Jamal Kashoqgi si loo caddeeyo inuu ka baxay xarunta Qunsuliyadda si loo marin habaabiyo Caamerooyinka CCTV ee Turkiga, waxayna sirdoonka Sacuudiga ninkan u soo xusheen qarinta kiiska dilka saxafiga oo 2-dii bisha Oltoobar 2018 lagu dhex dilay qunsuliyadda.

Muuqaalka Mustafa Madani waxaa baahisay Telefishanka CNN, waxaana ka muuqda inuu aad ugu eg yahay Jamal, loona xiray dharkiisa, kadibna uu maray meelo ka mida magaalad Istanbul, taasoo muujineysa in sirdoonka Sacuudiga uu si weyn u qorsheeyay shirqoolka.

HOOS KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here