XOG: Shariif Xasan oo Cabsi ka qaba Abaabul ay wado DFS (Godkiisa ayaa biyo ugu soo galeen)

0
132

Warar hoose oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu wajahayo cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya Olole Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto Musharax ay la dooneyso Xilka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.

Xubno ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada Magaalada Baydhabo iyagoo Xildhibaano badan gacanta ku dhigay sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa balanqaadyo waa weyn loo sameeyay hadii ay doortaan Musharaxa Nabad iyo Nolol oo ah Taliyihii Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Ilo wareedyo ku dhow Shariif Xasan ayaa sheegaya inuu walwal ka qabo culeyska kaga imaanaya Dowlada dhexe, waxaana uu isugu yeeray inuu la kulmo dhamaan Xildhibaanada ka dib marka uu kasoo tago magaalada Garoowe uu u joogo shirka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaledyada.

Villa Somalia ayaa Xildhibaanada u balanqaaday Xilal iyo Lacago aad u badan oo laga yaabo inay sababto in Musharaxooda guuleysto walow dadka u dhuun daloola arrimaha Koofur Galbeed ay sheegayaan in Shariif Xasan uu dhankiisa wado qorshooyin culus oo aysan fududaan doonin in xilka si fudud looga qaado.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa inay gacanta ku dhigto Maamulka Koofur Galbeed iyadoo lacago badan diyaar u ah inay ku bixiso Musharaxa ay wadato oo hadii uu guuleysto ku shaqeyn doona siyaasada Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here