DEG DEG:-Diyaarad Goordhaw Baydhabo Ka Dejisey Wasiirka Arimaha Gudaha & Shaki Cusub Oo Soo Baxay

0
150

goordhaweyd naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaa in halkaasi uu gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Diyaarad ka baxday Muqdisho ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Ee Shaati Guduud iyadoo wafdigaan si weyn loo soo dhaweeyey.

Wasiir Sabriye ayaa lagu soo warmayaa in Baydhabo kula kulmi doono Murashaxiinta iyo Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed si uu ugala Hadlo Qabsoomida Doorashada.

Wasiir Sabriye ayaa hadda la shiraya Kulan Albaabada u xiran yahay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan lamana oga waxay ka shirayaan iminka.

Shaki ayaa soo baxay oo ah in Dawlada Dhexe ay Lacag Wasiir Sabriye Udhiibtay si uu ulaaluusho Gudiga Doorashada loona soo saaro Shakhsiyaadka ay Dawlada Wadato Ee Murashaxiinta u ah.

Xuseen Cusmaan Xuseen oo ah Taliyihii hore Ee NISA iyo C/casiis Lafta gareen oo isna maalin ka hor iska casilay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ayaa waxa la sheegay in ay dawlada taageereyso si ay uguuleystaan.

Faah faahino badan lagama hayo cida guuleysan doonta doorashada dhaceysa 17 Bishaan taas oo inay ka dib dhacdo Dawlada Ay Diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here