Gaadiidka Uuraalada Itoobiya & Ciidan Badan Oo Lagu Arkay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool & Xog La Helay

0
87

Magaalada Laas Caanood Ee Gobolka Sool ayaa wararka laga helayo waxay sheegeen inay halkaasi gaareen Ciidamo badan Itoobiyaan Ah.

Gaadiidka Uuraalka Ee Itoobiyaanka lagu yaqaano iyo Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ciidanka ay wateen kuwaas oo fadhiisimo ka sameystay Duleedka Laas Caanood.

Ujeedka Ciidankani u gaareen Magaaladani ayaa lagu sheegay inay kala dhex galeen Beelaha Dhawaan ku dagaalamay Deegaanka Dhumay.

Ciidankani waxay sheegeen inay ka hor istaagayaan dagaal mar kale ka dhaca Deegaanka Dhumay.

Kudhawaad 100 Qof ayaa ku dhintay Dagaal beeleedkaasi ka dhacay Magaalada Laas Caanood duleedkeeda,weli xal lagama gaarin colaadaasi oo beelihii dagaalamay waxa ay isku hor fadhiyaan Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here