Home Arimaha Bulshada Muqdisho: Dad Careysan oo Gawaarida AMISOM u diiday inay Jidadka maraan+Sawirro

Muqdisho: Dad Careysan oo Gawaarida AMISOM u diiday inay Jidadka maraan+Sawirro

0
249

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Burundi oo maraayay Isgoyska Tarabuunka, ayaa dadkaan careysan wadada ay ka xirteen, waxaana muddo markii ciidamada Amisom hakad ay ku jireen, kadib xoog ay wadada ku furteen iyaga oo adeegsaday rasaas.

Qof ka mid ah dadkii jooga Isgoyska Tarabuunka, xilliga dhacdada ay dhaceysay ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Burundi muddo in lagu xanibay Isgoyska Tarabuunka, kadibna rasaas ay fureen, inkastoo rasaastaasi cidna aysan waxba gaarsiin.

Ciidamada Amisom ayaa ugu dambeyn ka gudbay wadada, waxaana goobta soo gaaray ciidamada Booliska Somaliya oo dadkii ku wargeliyay inay isdajiyaan.

Falkii ciidamada Amisom shalay dadka shacabka ah ay ku laayeen, ayaa waxaa ka carooday dad badan, iyadoo illaa hadda taliska Amisom aysan si faah faahsan uga hadlin dhacdadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here