XOG DEG DEG AH:-Lacagta Uu Qaatay Shariif Xasan Sheekh Aadan Ka Hor Inta Uusan Iska Casilin Xilka Uu Hayey

0
227

Albaabada u Xirnaa ayaa waxa Saacado Galabta uu ku dhexmaray Magaalada Baydhabo Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi ka socday Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Wafdigaas waxaa hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,is jiid jiid badan kadibna Heshiis ayaa la kala saxiixday.

Inkastoo Warbaahinta aysan helin Qoraalka Heshiiska hadana si hoose ayaa Warqaad waxay u ogaatay in Lacag Malaayiin ah lagu kala saxiixday heshiiska.

Dawlada Federaalka ayaa la ogaaday in 4 Milyan Dollar siisey Shariif Xasan Si ay uga hor istaagto Doorashada Koonfur Galbeed isna waa uu aqbalay.

Siyaasadu saaxiib joogto ah malahan balse dan joogto ah ayey leedahaye waa uu ka faa’iideystay Shariifka Lacagtaas inuu qaato go’aana ku gaaray inuu ka tanaasulo doorashada.

Si hoose ayaa loo helay in Shariifka uusan ku qanacsaneyn Labo Malyan in la siiyo balse markii dambe Afar looga dhigay sidaana uu ku ogolaaday inuusan tartamin.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Rugcadaa siyaasadeed ayaa Wasiirkii Maaliyada Dalka iyo Afhayeenka Golaha Shacabka Soo Noqday ka hor Koonfur Galbeed inta uusan Afar Sano ka hor Madaxweyne ka noqon.

Saaxiib dhaw ayuu la ahaa Shariif Sheekh Axmed Xilligii Isbaheysiga Dib uxoreynta Ee fadhigooda Asmara ahaa,waxa lagu sheegaa siyaasi Af gaaban oo sakiintiisa si hoose ay wax usarto.

Weli lama hayo Aflagaado isagoo shakhsiyaad kale Hawada umarinaya,waxaa dadka yaqaana ay ku sheegaan inuu yahay Af maal Siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here