DEG DEG:-Shan Qof Oo Lagu Dilay Maqaaxi Ku Taalla Ceelasha Biyaha & Cida Ka Dambeysay Xasuuqaas

0
286

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dableey Hubeysan ay Habeenimadii Xalay Dil ka geysteen Deegaankaasi.

Goob joogayaal kusugnaa meesha ay wax ka dhaceen waxay xaqiijiyeen in 5 Qof la dilay lana dhaawacay Labo Qof kale.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in kooxda Hubeysan ay rasaas huwiyeen marxuumiinta iyo kuwa la dhaawacay xilli ay fadhiyeen Maqaaxi lagu magacaabo Galmudug Oo Ku Taalla Ceelasha Biyaha.

Ilaa hadda lama sheegin dadkaas la laayey waxa loo beegsaday,kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegay in lagu daweenayo Cusbitaalka Zam zam.

Warar ayaa sheegaya in dadkaas loo weeraray fal la xiriira Aano Qabiil dabana socoto dadkii dhawaan lagu laayey Agagaarka Lafoole,oo lix qof gaari ay la socdeen lagala degay kadibna la toogtay Isbuucii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here