Wararkii Ugu dambeeyey ee Qaraxyada Muqdisho, Labo Hotel iyo Xarunta CID-da oo lagu weeraray

0
285

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyada lagu weeraray labo Hotel oo kuyaala Agagaarka Isgooska KM-4 iyo xarunta CID-da.

Qaraxa koobaad ayaa la sheegay in lagu dhuftay Hotelka Saxafi oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4. waxaana labo daqiiqado kadib qarax labaad oo aad u xoogan lagu dhuftay darbiga Xarunta Dambi baarista CID-da oo ku dhaw Hoelka Saxafi.

Sida ana Wararka ku helnay qarax sadexaad ayaa isna lagu weeraray Hotelka Hayat oo ku dhegan Hotelka Saxafi, waxaana qaraxa lagu weeraray Hotelka Hayat uu ka dhacay koontarool laga galo Hoteelkaasi.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlay halka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dabley hubeesan ay qeyb ka yihiin weerarka goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sadexda qarax ee goordhaw dhacay ayaa lagu waramayaa in dhamaan loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday Hoteelada iyo CID-da.

Qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada, waxaana gabi ahaan xiran aagii ay ka dhaceen qaraxyada xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here