Sawiro: Su’aalo ka dhashay qaraxyadii Muqdisho oo jawaab u baahan (Aqri)

0
65

Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraro.

Qaraxyaii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotelka Saxafi ayaa sababay dhimashada dad badan oo shacab ah, oo ilaa 30 qof gaaraya, waxaana sidan oo kale dad shacab ah ku dhinteen weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Su’aalo badan ayaa ka dhasha qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood aanan Jawaabo loo helin, waxaana ugu horeeya labiska ay wataan kooxaha weerarka geysanaya oo ah midka ugu dambeeya ee ay isticmaalaan ciidamada dowladda.

Kooxdii maanta weerarka fulisay waxay wateen dharka ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho ee dhowaan la baabi’iyey. Dharkaas ayaa waxaa ciidamada u keenay tababareyaashooda caddaanka ah ee ka yimid dalalka reer galbeedka.

Yaa Siiya Labiska ay adeegsadaan kooxaha fulinaya weerarka, waa Su’aasha ugu badan ee ay isweydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Al-Shabaab aysan awood buuxda ku laheyn gudaha magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here