XOG: Waa kee Musharaxa Dowlada Federalka ay dooneyso inuu noqdo Madaxweynaha Koofur Galbeed?

0
294

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen uu yahay Musharaxa koowaad ee Dowlada Federaalka Soomaaliya la dooneyso inuu noqdo Madaxweynaha xiga ee Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.

Waxaa hore u jiray Kala aragti duwanaasho Madaxda Dalka oo ku aadan Musharaxooda koowaad balse Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn ugu lug leh arrimaha Doorashada Koofur Galbeed ayaa kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal wuxuu ku wargaliyay in awoodooda ay isugu geynayaan Lafta gareen si aan looga soo hoos bixin tartanka Doorashada.

Kheyre ayaa u sheegay Guddoomiyaha inay wali ka fiirsanayaan Musharxooda labaad ee ay doonayaan inay ku xoojiyaan Doorashada oo markii gaba gabada ay timaado ay doonayaan inuu codadkiisa ugu shubo Cabdi Casiis Lafta gareen.

Xildhibaanada ugu badan ee Koofur Galbeed waxaa hada gacanta ku haya Dowlada dhexe waana sababta uu u tanaasulay Shariif Xasan, waxayna u muuqataa in Musharaxa ay Dowlada wadato uu kusoo bixi doono Tartanka walow qorshaha Musharixiinta kale aan si rasmi ah loo ogaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay faraha kala baxdo arrimaha Koofur Galbeed, isla markaana dadka deegaanka loo madax banaaneeyo masiirkooda.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada Koofur Galbeed, isla markaana ay taageereyso Musharaxiin gaar ah, oo ay dhaqaale iyo gaadiidka aan xabadaha karin soo siisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here