BIG NEWS: Dowlada Federaalka oo Xilalkii ka qaaday Taliyeyaal kadib Qaraxyada Muqdisho

0
99

Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha qaabilsan qaybaha Ciidanka.

Taliska ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaasha saldhigyadda  Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa , waxaana uu taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay degmooyinkaasi.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday  Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble.

Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.

Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa inay isbedel ku sameyso amniga degmooyinka Gobalka Banaadir kadib Qaraxyada Al shabaab, iyadoo Taliyayaashan lagu wargaliyay inay isbedel la yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here