Dhacdo Aan Hore Loo Arag Oo Galabta Ka Dhacday Muqdisho Markii Nin Dil Geystay Ay Qabteen..

0
133

Waxaa Galabta Koox hubeysan ay dil ka geysteen Xaafad ka mid ah Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa fuliyey Labo nin oo bistoolado watay iyagoo toogtay Askari katirsanaa Maamulka Degmadaasi,ayna doonayeen inay baxsadaan balse shacab ay kusoo xoomeen.

Midkood gacan ku dhiiglayaasha ayaa waxaa qabtay Dadka deegaanka,islamarkaana muujiyey Dhacdo ka duwan sidii hore ay wax udhici jireen.

Dableyda markii dilka geystaan ayaa carara,balse midkood ayaa baxsaday kii kalena ciidamada Amniga ayaa lagu wareejiyey.

Dawlada Soomaaliya ayaa dhowr mar ku cel celisey,inay ubaahan tahay wada shaqeynta Shacabka Soomaaliyeed,iyadoo maanta qeyb ka mid ah Reer Waaberi ay Baaqaas ka jawaab celiyeen.

Lama oga cida dilka geysatay balse dilalka nuucaan oo kale ah waxaa sheegta Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here