KASHIFAAD: Abu Mansuur Rooboow Oo Lacag Badan Geliyey Sidii Lafta Gareen & Murashaxiin Kale Loo…

0
132

Hardanka Siyaasadeed Ee Ka Jira Baydhabo ayaa sii xoogeystay,waxaana lasoo warinayaa in uu xitaa gaaray shirqoolo in la isku maleego.

Ilo wareed aan helnay ayaa sheegaya in Lacago badan la isku falisay si midba midka kale looga hor wareejiyo murashaxiinta isna boos cidlo ah guusha uga helo.

Seddexdii Cisho Ee lasoo dhaafay waxaa Baydhabo gil gilay Dhawaq siyaasadeed oo hor leh,taas oo la sheegayo in Dawlada dhexe iyo Rooboow ka dhex taagan.

Waxaa la rumeysan yahay tan iyo markii Bishii October Dawlada Federaalka ah ay hor istaagtay Rooboow uu dagaalkooda sii xoogeystay inkastoo markii dambe loo fasaxay doorashada inuu geli karo.

Rooboow ayaa lacagtii ugu badneyd bixiyey si uu uga adkaado Murashaxa Dawlada wadato Ee C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dalaaliinta Lacagtaas kala wareejinaya ayaa dhaqaale ka sameenaya,kala badelka dhaqaalahaasi.

Sir La helay ayaa sheegeysa in Colaad xoogan uu ka dhex abuuray Jufooyinka Beelaha Digil iyo Mirifle Kursiga ugu sareeya Madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

In Xitaa la iskula fadhiisto ayey mareysaa Xildhibaanada Codkooda Madaxweynaha Kusoo dooran doonaan taas oo tacasub ka dhex dhalisey Golaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

7-dii Bishaan markii uu is casilay Shariif Xasan waxaa la rumeysnaa in Xiisadii Siyaasadeed ay biyo qaboow ku shubmeen balse waxay hadda umuuqataa mid sii laba kacleeneyso,lagana cabsi qabo in hardanka Siyaasadeed uu gacan ka hadal gaaro.

Maanta waxaa laga mamnuucay Golaha Wasiirada K/Galbeed inay ku biiraan ololaha dhamaadka ah Ee Doorashada loogu jiro aysana la safan Karin Murashaxiinta Xildoonka Ah.

Hogaamiye Kuxigeenka 2aad Al Shabaab Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayuu soo noqday waxaana uu hadda ugu jiraa dagaal cad Dawlada Dhexe si kursigaas u helana wax walbo uu sameyn karo ayuu doonayaa.

Dhawaan waxaa kulan dhexmaray Abu Mansuur iyo Safiirka UK Ee Soomaaliya,waxaana la rumeysan yahay inay kala hadleen sida uu ku guuleysan karo Rooboow ayna dhabaha u xaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here