Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Marka & Diyaarad Meydad Maqribkii Soo Qaaday

0
105

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka Cadeey Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa ka dhacay Qarax Xoogan,gelinkii dambe iyadoo warar dheeraad ah soo baxayaan.

Qaraxaan ayaa lala Eegtay Ciidamo Katirsan Dawlada Soomaaliya oo kusugnaa Xaafada Ceel xaaji Ee Gudaha Marka.

Lama ogaan karo khasaaraha inta uu la eg yahay balse waxaa jira dhimasho iyo dhaawac Askarta soo gaaray.

Buqcada lagu beegsaday ayaa aheyd Goob Ay Maqaaxi ahaan ama Marfish Khaatka ku cuni jireen Ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa durba sheegtay Casir liiqii Qaraxii ka dhacay magaalada Marka Cadeey,waxaana ay sheegeen in Diyaarad timid maqribkii ay Dhaawacyo iyo meydadka Askartaas usoo qaaday Muqdisho.

Ma heyno Macluumaad ka baxsan inta ay Al Shabaab Warbaahintooda Internet-ka kusoo daabaceen Caawa fiidkii,iyadoo xaaladu tahay mid deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here