Xeeladaha Al-Shabab ee qaraxyada baabuurta iyo sida looga hortagi karo

0
86

Shabaab ayaa bedashay farsamooyinka ay u adeegsato marka ay miineyneyso baabuurta, sida laga soo xigtay xubno horey uga tirsanaa kooxda, kuwaasi oo sheegaya in kooxda ay soo kordhisay xeelado cusub.

Maxamed Aadan Xasan [Sandheere] oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo wareysi siiyay Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka sheekeeyay naqshada cusub.

Sandheere ayaa daboolka ka qaaday in Shabaab marka hore ay ka taxadiraan Darawalka gaariga iyo inuu gayn karo meesha loogu talagalay, si taasi loo helo waxay uga sameeyaan difaac afka hore ee gaariga.

Dagaalamahaan hore, waxa uu carabka ku dhuftay in Al-Shabaab ay gaariga ka miineyso qaybta hoose ee Gaariga iyo dhinacyadiisa, halkaasi oo aysan inta badan arkin ciidamada joogta baraha kontarooladda.

“Aniga ayaa soo tijaabiyay oo qayb ka ahaa dadkii soo hindisay qorshahaashi,” ayuu yiri Maxamed Sandheere.

– Sida looga hortegi karo –

Sida laga soo xigtay agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Sanbaloolshe oo isla barnaamijkaan la hadlay wuxuu sheegay in qaabka ugu wanagasan ee looga hortegi karo ay tahay kordhinta Kontaroolada.

Sanbaloolshe ayaa qaba fekerada ah in loo baahan yahay qalab casri ah oo soo bandhigaya waxa ku dhexjira baabuurta, isaga oo hadalkiisa raaciyay inay muhiim tahay in loo tababaro ciidamo gaar ah oo wata Eeyaha wax uriya.

Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa si lamid ah wuxuu soo jeediyay in sarre loo qaaday islaxisaabta iyo howlgallada ciidamada ee gudaha magaalada.

“Dadka wax qabtay in la abaalmariyo,” ayuu ku daray Sanbaloolshe, oo hadalkiisa raaciyay in degmooyinka caasimada ku yaala ay tahay in la geeyo ciidamo abaabulan oo gawaarida lagu soo xiray walxaha qarxa halkaasi uga hortaga.

– Qaladaad wali ka jira Koontaroolada –

Muqdisho waxay leedahay labo Koontarool oo kala ah Siinka Dheer iyo midka Balcad, kuwaasi oo ku kala yaala Koonfur Bari iyo Koonfur Galbeed, waxaana wali ka jira qaladaad keenay dhimashada dad badan.

Qaladaadkaasi waxaa kamid ah inaanu yaalin qalab casri ah oo sheegtay in gaariga uu miineysan yahay iyo Gadiidka qaarkood kagu sii daayo Damiin, sida uu qiray Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi.

“Dowladda waa ay ka baaqsan wayday Damiinta,” ayuu ku dooday Gudoomiye Cabdullaahi oo rumeysan in hay’addaha amniga Soomaaliya ay korayaan, islamarkaana qaladaadkooda ka baranayaan cashar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here